ciyaarta wajaale

 #MAHADNAQ Waxay ahayd madal aad uqurxoon oo ay soo qaban qaabiyeen Qurbajoogta iyo Aqoonyahanka M.M.W islamarkaana ujeedadeedu ahayd dhiiri galin iyo sagoontin Xulka kubada cagta iyo orodka Maamulka Magaalada Tog-wajaale kana dhacday #Green_Plaza Hotel, Jigjiga, Habeenimadii xalay abaaro 7:30 PM. Ugu horayn waxa mahad iskaleh illaahii noo suuro galiyey qabsoomida Barnaamijkan, Marka labad, waxan umahadnaqaynaa, Ururka Qurbajoogta Wajaale guud ahaan oo kaalin laxaadleh ka qaatay qabsoomida casho sharaftan, gaar ahaana xubnaha hogaaminta Ururka oo uu ugu horeeyo Gudomiyuhu Marwo Muna Abdilahi (Muna Dhagawayne) iyo cupnetkeda, aqoonyahanka Wajale oo iyaguna qaban qaabada hawshan doormuhiima ka qaatay run ahaantiina suurogaliyey inay si quruxbadan uqabsoonto oo uu ugu horeeyo Aqoonyahan Muhyadin Omer (Muhyadin Ali Xaydh) ahaana daadiyaha geedisocodka Barnaamijka. Marka xigta, waxan iyana u Mahad celinayaa ciyaariyahanadii kala duwanaa ee sportiga iyo macalimiintoodii sidii ixtiraamka iyo qadirinta lahayd ee ay madasha uga soo qaybgaleen islamarkaana eray odhaahyadoodii uga jeediyeen. Sidoo kale waxaa xusid mudan Masuuliyiintii oo uu ugu horeeyo Mayorka MMW; Eng Muktar Abib, Mdxa xafiska Dhalinyarada & Ciyaaraha; Haamud Husssein, Mdxa xafiska Maaliyada; Mohamud Waberi, Qurbajoogtii oo uu matalaayey Abdi Yusuf, Ganacsatadii oo uu matalyey Farhan Aw-Osman (Kornayl), sidii ay waqtigooda ugu soo horeen run ahaantiina jid dheer ugu soo mareen kasoo qaybgalka xafladan, sidoo kalena madasha ka jeediyey hadalo dhiiri galin, taagero iyo balanqaad isugu jira oo ay marwalba dhalinta la garabtagnandon insha allah. Waxa iyana marnaba lahilmaansanayn dhalinyaradii, asxabtii, masuuliyintii, taageerayashii intii kasoo qaybgashay xafladan iyo kuwii aan kasoo qaybgalin waqtiguna usaamixiwaayey balse marwalba kasoo muuqanayey fagaarayaasha taagerid Xulka Maamulka Wajale oo aan leenahay mahadsanidin, maanta hadaan guulaysan waynay insha allah bari ayan guulaysanaynaa ee taageeradiina halkas kasii wada. Ugu danbayn, waxan leenahay qurbajoogta Wajaale waad ku mahadsantihiin martiqaadkaa sharfanaa ee aad usoo suubisen dhalintiina iyo sida aad marwalba ugu dadaalaysan ka qayb qaadashada horumarinta Magaaladina, waad mahadsantihii

Comments